Warbixinta caafimaadka wanaagsan ee ku saabsan caafimaadka galmada Iska ilaalin uuraysiga Cinjir laga shado marwalba aad galmo sameyneysid

Cinjir laga shado marwalba aad galmo sameyneysid

(Wa cag lanta la geliyo galmada ka hor)

Muxuu yahay ?

Waa geed caag ah oo faraanti nuskiisa dulsaaran oo na isku laabmi kara. 

  • Cinjirkaas wuxuu dhigtaa isbaaro oo daboolayo minka afkiisa Waxay u diidaysaa shahwada inuu minka galo.
  • Waxaa qasab ah inaad ku la isticmaashid daawo shahwodileen ah waxaadna kaheli kartaa farmashiyayaasha.
  • Ficilka uu sameeynaayo kiimiko ahaan wuxuu dilaayaa shahwaadka wuxuu kaloo kordhinaayaa waxtarka cinjirkaas.

Wax tarkiisa waxay ku xirantahay qaabka aad u isticmaashid. 

Isticmaalka

Isticmaalida cinjirkaa waxay u baahantahay tabobar.

  • Cinjirka cabirkiisa waa in u hagaajiyaa dhaqtarkaaga uuna sheegaa inuu sax yahay.
  • Kadib cinjirka daawada shahwodileenka mari, kadib naagta ayadaa siilka iska galineyso, Markasta Ka hor inteey galmo sameeyn.
  • Waxaad ku ogaan kartaa hadii aad sifiican ugashatay fartaada ku baroobee hadii cinjirka uu joogo minka afkiisa.
  • Cinjirka waa inuu siilkaaga kujiro ugu yaraan 8 saacadood kadib markaad sameysid galmo ,lakiin hadhaafin in kabadan 24 saac.
  • Hadii aad sameyneysid galmo joogto ah waa inaad kudartaa marlabaad shahwodilaha adigoo iska soobixin cinjirkaas xitaa hadii aad gashatay cinjirkaas labo saac kahor isu taga.
  • Cinjrka markaad iska bixineysid, gali fartaada cinjirka hoostiisa siilka afkiisa kadibna iska soo jiid.
  • Waa inaad cinjirka biyo ku raacisaa qandac ah kadib qalaji, baakadiisa ku celi.
  • Iska jir! shahwodila hadii aad saabuun ku dhaqdid waxaa dhimanaayo wax tarkiisa 

Weli waxaad ogaataa

...Hadii aad dhashid, caatoowdid, ama cayishid cabirka cinjirka waa in la koontoroolo hadii ay muhiim naqoto.

...Waa inuu dhaqtarka kaa koontoroolaa markasta ood aadeysid balanka sanadlaha.

...Waxaa kaloo jiro geed kaloo yar oo kayar cinjirka lana mid ah kancinjirka xaga wax tarkiisa, minkana afkiisa daboolo. 

Way fiicantahay in la ogaado

  • Qaabka ugu wanaagsan ee looga illaaliyo nafsadaada HIV ama caabuqyada kale ee galmada laga qaado waa ku dhaqmida galmo badbaado ah:
    1. Marwalba isticmaal kondhom, ragga ama dumarka, oo galmada siilka (galmada siilka ama futada).
    2. Wixii tallo dheeraad ah ee galmada shaqsiga, samey hubinta galmada badbaadada ah ee lovelife.ch

2018, SANTÉ SEXUELLE SUISSE, Fondation suisse pour la santé sexuelle et reproductive; ALECSS Association suisse latine des spécialistes en santé sexuelle, Éducation – Formation – Conseil; faseg, Fachverband sexuelle Gesundheit in Beratung und Bildung

Waxaa malgeliyey migesplus
www.migesplus.ch – Ogeysisyo ku sabsan xaga Cafimaadka oo Luqado kala duwan ku soo baxa

Haddii aad Suáal qabtid?

Dhaqaatiirta xarunta adeega caafimaadka galmada ayaa kaaga jawaabeyso su’aalahaaga si qarsoodi ah. Waxay halkaas u joogaan inay kaa caawiyaan helida qaabka ugu fiican ee loola macaamilo xaalkaaga.

Warbixin badan