Warbixinta caafimaadka wanaagsan ee ku saabsan caafimaadka galmada Iska ilaalin uuraysiga Waa kahortag sida tiimbaraha la isku dhajiyo

Waa kahortag sida tiimbaraha la isku dhajiyo

(Blastarka laysku dhejiyo oo kala fogeenaya urka)

Faashada ka hortaga uurka ee faashada koolada ah (4.5 x 4.5 cm) waxay wadataa hoormoonada beenta ah (oestrogen iyo progestagen) oo la midka ah kuwa ay soo saaraan jirka dumarka. Xaaladaha qaarkood, hoormoonadaan waxay saameyn kartaa caafimaadkaaga. Waxaa aad u wanaagsan inaad kala hadashid dhaqtarka wax ku saabsan xaaladaada gaarka ah.

Sida ay u shaqeeyaan

Waa kahortag sida tiimbaraha la isku dhajiyo

  • waxay ka hortagtaa ugxansidaha iyagoo ka dhigayo ugxanada xaalad aysan firfircooneyn.
  • waxay badeshaa leemanka ilmo galeenka (xabka ilmo galeenka) marka caagaas (gelinta ukunka) suurtogal ama ahan.
  • waxay qara weyneysiisaa xabka ilmo galeenka, sidaas darteed waxay ka illaalisaa in shahwada ay gasho ilmo galeenka.

Haddii aad u isticmaashid si sax ah, qaabka ka hortaga uurka wuu ka hortagi karaa uurka.

Isticmaal

Halkii baakid wuxuu wataa 3 faasho ka hortaga uurka ah. Tan ayaa ka dhigan inaad isticmaashid baaj cusub hal jeer isbuuc walba oo sadex isbuuc ah, oo kadib aad hal isbuuc iyadoon faasho jirin.

Si taxadar ah ugu dhaji faashada aag nadiif ah, qalalan ee maqaarkaaga (iyadoon jirin wax kareemka ama saliida jirka ah). Ka dooro barta calooshaada hoose, barida, dhabarka ama garabka kore. Haku dhajin naasahaaga. Hoos ugu riix si adag gacantaada simman oo qabo 10 ilbiriqsi. Dooro bar ka duwan oo faashada ah isbuuc walba si aad uga hortagtid xasaasiyada maqaarka.

  • Waqtiga koowaad ee aad isticmaashid baajka, gasho maalinta koowaad ee muddadaada marka waad illaalsantahay islamarkaaba. Haddii aad bilowdid qaabka maalinta labaad kadib ee wareega caadadaada (caadada), isticmaal kondhom todoba maalmood ee ugu horeysa.
  • Kadib badel faashada hal isbuuc dambe, iyo kadib markale isbuuc kale kadib. Marwalba badel faashada isla maalinta isbuuca. Ka saar faashada hore oo ku dhaji mid cusub islamarkiiba.
  • Jooji hal isbuuc kadib faashada sadexaad markay ku dhaqnaato hal isbuuc.
  • Kadib ku bilow taxane cusub oo sadex faashado ah; markale, oo isla maalinta isbuuca.

Dhiigbaxa wuxuu bilowdaa inta lagu jiro muddadaan. Caadi ahaan way fududahay oo way ka xanuun yartahay inta lagu jiro caado keenka caadiga ah.

Haddii loo isticmaalo si sax ah, qaabka ayaa sidoo kale damaanad qaado illaalada inta lagu jiro joojinta halka isbuuc.

Marka ad meedhato ama dabal ad tagto ama qolka umiga (Sauna)  ad tagto jimicsi sameeso blastarka ilmaha lagu kala fogeyo jidhkaga ku deggan cadiyan ma so fuqo lakin iska hubso in uu si fican kugu dhegan yahay.

Haddii aad …

…la kulantid dhiig bax aan joogsi laheyn iyadoo la isticmaalayo ka hortaga uurka, tan ma ahan wax laga walaaco. Sii wad isticmaalida faashada ka hortaga uurka sida caadiga ah. Haddii aad si joogta ah ula kulmeysid dhiig bax noocaan ah ee bil-laha xiggo, fadlan la tasho dhaqtar.

...waxay qaadanayaan daawo walba, weydii dhaqtarka ama farmashiga haddii aad weli illaalsantahay. Diyaargarowga ee wato St. John’s wort, qalajiyayaasha qaar, daawooyinka qalalka qaar iyo daawooyinka HIV waxay yareyn karaan saameynta ka hortaga uurka. Sii wad qaadashada ama isticmaalida ka hortaga uurka oo isticmaal kondhom inta lagu jiro galmada.

….jooji isticmaalida qaabkaan ka hortaga uurka ah, saameynta ka hortaga uurka waxay joogsataa islamarkiiba. Waxaan ku talineynaa inaad isticmaashid dhammaan sadexda faasho ee baakida.

… haddii aadan laheyn wax dhiig bax ah inta lagu jiro joojinta, bilow taxane cusub oo faashadaha ee taariiqda la qorsheeyay oo la tasho xarunta adeega caafimaadka galmada ama dhaqtarkar.

 

Haddii aad ilowdid inaad badeshid faashada

laakin aad ku xasuusatay gudaha wax KA YAR 48 saacadood

Ka hortaga uurka wax ku oolka ah weli waa la hubaa.

  • Badel faashada oo u sii wad si caadi ah.
  • Isticmaal faashada xigta ee maalinta badelka faashadaada caadiga ah.

iyo wax KA BADAN 48 saacadood ay dhaafto

Ka hortaga uurka oo wax ku ool leh ayaan markale la hubin.

… Haddii aanad galmada samayn 5 maalmood ee hore

  • Ka saar faashada hore. Ku dhaji faasho cusub si aad u bilowdid taxane cusub oo sadex faasho ah.
  • Isticmaal kondhom todoba maalmood.

... Haddii aad galmada samaysay 5 maalmood ee hore

  • Qaado kaniiniga ka hortaga uurka degdegasida ugu dhaqsiga badan ee suurtogalka ah oo raac tallooyinka xirfadlayaasha.

  • Isticmaal kondhomka illaa ka hortaga uurka uu shaqeeyo markale. Tan waxay ku xirnaaneysaa nooca kaniiniga ka hortaga uurka degdega ah ee aad isticmaasho.»

Haddii aad ilowdid inaad ka saartid faashada 3aad

  • Uga saar faashada sida ugu dhaqsiha badan oo aad ogaatid qaladkaaga.
  • Bilow taxane cusub oo sadex faashad ah oo maalinta badelka faashada caadiga ah (xittaa inkastoo joojinta ay gaabaneyso).

Haddii aad ilowdid inaad ku dhajisid faashada 1aad ee dhammaadka joojinta

Haddii aadan xiran faashad wax ka badan hal isbuuc , ka hortaga uurka oo wax ku ool leh ayaan markale la hubin.

Haddii aanad galmada samayn 5 maalmood ee hore

  • Ku dhaji faashada sida ugu dhaqsiha badan oo aad ogaatid qaladkaaga. Maalinta aad sidaas sameysid waxay noqotaa maalinta badelka faashada cusub.
  • Isticmaal kondhom todoba maalmood.
  • Ku dhaji faashada labaad hal isbuuc kadib.

... Haddii aad galmada samaysay 5 maalmood ee hore

  • Qaado kaniiniga ka hortaga uurka degdegasida ugu dhaqsiga badan ee suurtogalka ah oo raac tallooyinka xirfadlayaasha.

  • Isticmaal kondhomka illaa ka hortaga uurka uu shaqeeyo markale. Tan waxay ku xirnaaneysaa nooca kaniiniga ka hortaga uurka degdega ah ee aad isticmaasho.

Faashadaada ay ku soo dhacdo

wax KA YAR 24 saacad ka hor

Ka hortaga uurka wax ku oolka ah waa la hubaa.

  • Isku day inaad dib ugu dhajisid faashada (ha isticmaalin faashad koolo ah ama nooc walba oo koolo ah). Haddii aysan kugu dhaganeyn: ku dhaji faashad cusub, tusaale ahaan mid ka timid baakida keydka ah.
  • Badel ama ka saar faashada maalinta caadiga ah.

Wax KA BADAN 24 saacadood ka hor

Ka hortaga uurka oo wax ku ool leh ayaan markale la hubin.

… Haddii aanad galmada samayn 5 maalmood ee hore

  • Ka saar faashada. Ku dhaji faasho cusub oo bilow taxane cusub oo sadex faasho ah.
  • Isticmaal kondhom todoba maalmood.

... Haddii aad galmo sameysay shantii maalmood ee la soo dhaafay

  • Qaado kaniiniga ka hortaga uurka degdegasida ugu dhaqsiga badan ee suurtogalka ah oo raac tallooyinka xirfadlayaasha.

  • Isticmaal kondhomka illaa ka hortaga uurka uu shaqeeyo markale. Tan waxay ku xirnaaneysaa nooca kaniiniga ka hortaga uurka degdega ah ee aad isticmaasho.

Way fiicantahay in la ogaado

  • Qaabka ugu wanaagsan ee looga illaaliyo naftaada HIV ama caabuqyada galmada laga qaado waa ku dhaqmida galmo badqab ah. Tani waxay lka micna tahay:
    1. Isticmaal kondhom inta lagu jiro isu taga galmo oo xubinta taranka ah ama galmada futada ah.
    2. Dhammaan warbixin dheeraad ah waxaa laga heli karaa www.lovelife.ch

2023, SANTÉ SEXUELLE SUISSE, Fondation suisse pour la santé sexuelle et reproductive; ALECSS Association suisse latine des spécialistes en santé sexuelle, Éducation – Formation – Conseil; faseg, Fachverband sexuelle Gesundheit in Beratung und Bildung

Waxaa malgeliyey migesplus
www.migesplus.ch – Ogeysisyo ku sabsan xaga Cafimaadka oo Luqado kala duwan ku soo baxa

Haddii aad Suáal qabtid?

Dhaqaatiirta xarunta adeega caafimaadka galmada ayaa kaaga jawaabeyso su’aalahaaga si qarsoodi ah. Waxay halkaas u joogaan inay kaa caawiyaan helida qaabka ugu fiican ee loola macaamilo xaalkaaga.

Warbixin badan