Isdurista 3 bilood laha
Muxuu yahay ?
Is durista saddex bilood laha ahi waa irbad ay ku jirto maadooyinka hoormoonka ee u dhigma ka barojestojin, mid ka mid ah hoormoonada ay soo saaraan ugxan sidayaashu. Irbad sadex bilood laha ah waxey celisaa uurka ilaa 12 isbuuc.
Qaabkuu wax u qabto
- Waxay diidaa inay bacramin imaado nasiinodheer ayay galisaa ugxamaha.
- Waxay wax ku sameeysaa maqaarka minka kaasoo marnaba isdiyaarinin inuu sameeysto buul.
- Waxay adkeysaa dhareerka afka minka iyo waxay kaloo sameeysaa xuduud ay shahwada soo gaari karin.
Isticmaalka
Waxaa la iskuduraa :
- marka ugu horeeyso 5 maalin ee ugu horeeyso caadada ama 10 maalmood kadib markaad dhashid.
- kabacdi waxaa lagu duraayaa 12 isbuuc markey kuu dhamaato,laakiin sii sameyso balanka 10 isbuuc kadib: hadii ay kuusuuroobiwaydo waxaa kuu harsan 15 bari !
- Wax tarkiisa wuxuu bilaab mayaa 10 bari kadib malinkii kowaad ee lagu duray waxayna ku heeynee 12 isbuuc.
- Cirbada waxaad isaga durikartaa dhaqtarkaaga ama xafiiska qorshaha qoska. Xaaladaha qaarkood, gabadhu waxay baran kartaa in ay iyadu irbadda maaraysato oo ay isticmaasho.
Weli waxaad ogaataa…
...Isdurista sadex bilaha waxay keeni kartaa dhiig aan joogto aheyn islamarkii lagu guduro. Dhiigaas tartiib tariib ayuu uyaraanayaa ilaa uu asaga dhan istaago, kaasoo marlabaad imaankara. Waxba hawalwalin, waacaadi.
...joojinta cirbada, caadada iyo bacriminta tartiib bay u imaan doontaa laakiin waxay ku xirantahay qofka suu yahay, waxay gaari kartaa (2 isbuuc ilaa 1 sano).
Way fiicantahay in la ogaado
- Qaabka ugu wanaagsan ee looga illaaliyo nafsadaada HIV ama caabuqyada kale ee galmada laga qaado waa ku dhaqmida galmo badbaado ah:
1. Marwalba isticmaal kondhom, ragga ama dumarka, oo galmada siilka (galmada siilka ama futada).
2. Wixii tallo dheeraad ah ee galmada shaqsiga, samey hubinta galmada badbaadada ah ee lovelife.ch
2018, SANTÉ SEXUELLE SUISSE, Fondation suisse pour la santé sexuelle et reproductive; ALECSS Association suisse latine des spécialistes en santé sexuelle, Éducation – Formation – Conseil; faseg, Fachverband sexuelle Gesundheit in Beratung und Bildung
Waxaa malgeliyey migesplus
www.migesplus.ch – Ogeysisyo ku sabsan xaga Cafimaadka oo Luqado kala duwan ku soo baxa
Warbixin kale oo ku saabsan Mowduuca
- Qaababka aan FALGALE aheyn ee ka hortaga uurka
- Waa kahortag sida tiimbaraha la isku dhajiyo
- Cinjir laga shado marwalba aad galmo sameyneysid
- Salbatiibada dumarka
- Kondhomka ragga
- Shahwadile
- Mareeguhu
- Shey yar oo lagashado maqaarka hoostiisa
- Dariiqa ka hortaga oo wax yar lahubo
- Dariiqa caadiga ah ee la isaga ilaaliyo uurka daawo la'aan
- Qalitan laga xidhayo dhalista carurta nin iyo nag ba
- Ka hortaga uurka ragga
- Kaniiniga kahortaga uurka (kaniiniga yar)
- Kaniiniga (oestrogen iyo progestogen) oo joojin ah
- Uraysi iska ilaalinta gurmad degdega
- Faraantiga siilka la iska galiyo
- Kaniiniga kahortaga uurka ee markasta la qaato