Xubnaha taranka
Cambarka
Xubnaha taranka dibedda ee dumarka waxay ka kooban yihiin cambar, (taas oo laftirkeeda ka kooban faruuryaha hoose iyo kuwa sare iyo marinka siilka) iyo sidoo kale qaybta muuqata ee kintirka.
Makaanka, ugxansidayaasha, tuubooyinka faloobiyan, siilka iyo qanjirada qaar ayaa ku jira gudaha.
Dhammaan cambaradu waa kala duwan yihiin, dadkuna way ku kala duwan yihiin. Cambarku wuxu ka kooban yahay:
Faruuryaha gudaha iyo dibadda
Muuqaalka, midabka iyo cabbirka faruuryaha cambarku way kala duwan yihiin waxayna ku xidhan yihiin qofka, xaaladda lagu jiro markaas (tusaale ahaan xilliga kacsiga) iyo da’da haweenayda. Labada faruuryood ee gudaha waxay ku hareeraysan yihiin afka siilka iyo marinka kaadimareenka. Waxaa laga yaabaa inay ka soo taagmaan ama aanay ka soo taagmin faruuryaha dibadda, waxayna noqon karaan kuwo aan isku qaab ahayn.
Kintirka
Kintirku (sida guska oo kale) wuxuu ka sameysan yahay xubno kacsada oo fida (corpus cavernosum iyo corpus spongiosum). Keliya qayb yar oo ka mid ah kintirka (khaasatan, dhalfada iyo maqaarka kore) ayaa muuqda. Burooyinka kintirka (oo dhererkoodu yahay qiyaastii 4 cm) iyo tiirarka kintirka oo sidoo kale dhererkoodu yahay qiyaastii 4 cm waxay ku jiraan gudaha jirka. Dhererka guud ee kintirka waa u dhexeeya 8 ilaa 12 cm. Marka kacsi jiro, unugyada waxaa ka soo buuxsama dhiig, taasoo keenta in madaxa kintirka iyo tiirarkiisuba waynaadaan oo ay yara adkaadaan (taasoo keenta kacsi muuqda). Shaqada illaa hadda la yaqaan ee kintirku qabto waa kacsiga.
Duleelka kaadida
Duleelka kaadidu waa caarada tuubo dhuuban (tuubada kaadida) ka soo billaabanta kaadi-haysta taas oo soo daysa kaadida.
Makaanka
Makaanku wuxu leeyahay cabbirka iyo qaabka cambuuruud la foorariyay. Wuxuu ka sameysan yahay muruqyo, gidaarka guduhuna wuxuu ka sameysan yahay xuub qoyan oo la dhaho indhometriyam. Waa halka uurjiifku ku koro inta uurku jiro, iyo halka dhiigga caadadu ka soo qubato xilliga caadada lagu jiro. Qaybta ku xirta siilka waxaa la dhahaa afka isku xirka siilka iyo makaanka.
Ugxansidayaasha
Labada ugxanside waxay leeyihiin qaabka ukunta cabbir ahaana lawska ayay le’eg yihiin. Kuwani waa xubnaha soo saara ugxanta. Ostarajiin iyo borogastaroon (dheecamada jinsiga) ayaa sidoo kale lagu soo saaraa ugxansidayaasha.
Tuubooyinka faloobiyan
Tuubooyinka faloobiyan waa laba tuubo dhaqdhaqaaqa, leh qaabka masafka oo ugxanta ka soo qaada ugxsansidaha oo keena ilmogaleenka.
Siilka
Siilku waa dillaac fidsan oo dabacsan oo u dhaxeeya cambarka iyo ilmogaleenka. Gudihiisu wuxu ka sameysan yahay muruqyo iyo xuubyo qoyan. Siilku wuxu ku dhamaadaa afka ilmogaleenka (dariiq ciriiri ah oo u dhaxeeya siilka iyo ilmogaleenka).
Xuubka bikrada
Xuubka bikradu waa xuub khafiifa oo ku dahaadhan hareeraha afaafka siilka. Afkiisa, qaabkiisa, iyo inta uu dabacsan yahay way ku kala duwan yihiin dadku. Dadka qaarkood, jeexdin yar oo ku yimaada xuubka bikrada ayaa keeni kara dhiigbax marka qofku galmada ugu horreysa sameeyo, laakiin qof kasta kuma dhacdo. Sidaas darteed, muuqaalka xuubka bikrada, in qofku dhiigo ama aanu dhiigin midkoodna ma muujinayso in qofku horay u soo sameeyay galmo oo xubinta taranka wax galeen.
Xasuusnoow: Xaalado aad u kooban, waxaa dhacda in xuubka bikradu si buuxda u daboolan yahay, oo loo baahdo in qalliin lagu furo.
Qanjidhada festibular ee waawayn (qanjidhada Barsoolin)
Kuwani waa laba qanjidh oo cabbir ahaan la’eg digirta oo ku yaalla dacallada afka siilka. Waxay soo daayaan dareere qooya oo saliideeya afka siilka.
Qanjidhada afka kaadimareenka (qanjidhada Skene)
Qanjidhadan waxaa loo tixgeliyaa inay yihiin kuwa dumarka ee u dhigma qanjirka barostaytka ragga, waxayna ku hareera yaallaan dhuunta kaadimareenka. Dheecaamada ay soo daayaan waxay dhuunta kaadi mareenka ka soo galaan labaa dhuumood oo yaryar oo labada dhinaca kaga yaalla afka kaadimareenka.
Barta G
"Barta G" waa kelmad loo adeegsado in lagu qeexo meel ku taalla gidaarka siilka una dhow afaafka siilka taas oo ku xiran qaabab dhismeedka gudaha ee kintirka. Waa aag ballaaran, mana aha goob go’an, waxaana lagu yaqaan inay dareen badan leedahay. Kicinta dareenka ee aaggan raaxo ayaa laga heli karaa, taasoo keenta kacsi, dhereg kacsiyeed iyo xitaa biyobax ("biyo soo saydhin").
Futada
Futadu waa duleelka xiidmaha ku xiraya jirka dibaddiisa. Futadu waa meel xasaasi ah oo sidoo kale keeni karta dareemo.
Guska
Qaybaha dibadda ee xubintan taranka waxaa ka mid ah guska iyo labada xinniyood, oo ay ku daaharan yihiin haraga xiniinyaha.
Tuubooyinka xawada (dhuumaha manida), qanjirka barostayt iyo kiishashka xawaduna gudahay ku jiraan.
Guska (sida kintirka oo kale) wuxuu ka sameysan yahay xubno kacsada oo fida (the corpus cavernosum iyo corpus spongiosum). Nudahani waxaa ka soo buuxsama dhiig xilliga kacsigu jiro waxayna keenaan in gusku istaago (taas oo keenata in gusku kaco). Xilliga biyabaxa, muruqyada ku hareeraysan xubnaha taranka ayaa giijisma oo biyaha ayaa ka soo baxa guska. Xaddiga biyaha ama xawada soo baxda way ku kala duwan yihiin dadku iyo xilliyaduba. Biyabaxu wuxu keenaa raaxo (dhereg galmo), laakiin tani marwalba ma dhacdo.
Dhalfada guska
Dhalfada gusku waa qaybta caarada hore ee guska. Waa meel aad u dareen badan marka la taabto.
Buuryada
Buuryadu waa maqaar ama cad yar oo daboola oo ilaaliya dhalfada guska. Waa meel aad u dareen badan marka la taabto. Buuryadu way ka laabantaa guska kacsan ama ka jilicsan ee dansan.
Xasuusino:
Qalliinka lagu gooyo buuryada waxaa loo yaqaanaa gudniin. Gudniinka waxaa loo sameeyaa arrimo diimeed ama dhaqan dartood, mararka qaarkoodna waxaa loo sameeyaa sababo caafimaad dartood, sidoo kale. Si la mid ah fal kasta oo kale oo jirka lagu sameeyo, qofkasta isagaa xaq u leh inuu go’aansado wuxuu ku sameynayo jirkiisa.
Haddii buuryadu aad u adag tahay ama aanay dib u duubmayn si dhalfadu u muuqato, waxaa tan loo yaqaanaa fimsoosis (phimosis). Haddii aad isku aragto wax astaamaha fimsoos ah, waxaa lagugula talinayaa inaad la tashato dhaqtarka carruurtaa ama dhaqtarkaaga caafimaadka guud.
Duleelka kaadida
Duleedka kaadidu waa dhammaadka tuubo ku guda jirta guska (tuubada kaadida) taas oo ka soo billaabanta kaadi-haysta taas oo soo daysa kaadida. Dareeraha biyabaxa ka horreeya, manida ayaa sidoo kale soo mara tuubada kaadimareenka. Suurtogal maaha in kaadida iyo biyaha dulka guska isku mar soo maraan.
Xinniyaha
Xinniyuhu waxay soo saaraan manida (2,500 xabbo ilbiriqsigiiba) iyo testestaroon (dheecaan jinsiyeed). Cabbirka xinniyaha dadku way ku kala duwan yihiin. Waa caadi in xinniyahaagu waxyar dadka kale ka duwanaadaan (tusaale ahaan cabbir ahaan, adkaanta ama dhererka).
Tuubooyinka xawada ama manida
Tuubooyinka xawada ama manidu waa dhuumo kaydiya manida.
Kiishka xinniyaha
Kiishka xinniyuhu waa maqaarka ay ku jiraan xinniyuhu iyo dhuumaha manidu.
Qanjirada afaafka kaadi mareenka (Qanjirada Cowper’s)
Qanjirada afaafka kaadi mareenku waa laba qanjir oo cabbir ahaan midh digir le’eg. Xilliga kacsigu jiro, waxay kaadimareenka ku soo daayaan dheecan yar oo adag oo waadaxa. Dheecankan waxaa loo isticmaalaa in lagu nadiifiyo oo lagu subko dhuunka kaadimareenka ka hor intaan biyabaxu dhicin. Dareerahan, oo isagu aanay ku jirin wax mani ah, wuxu mararka qaar noqdaa dhibic yar oo ka timaadda dhalfada. Waxaa sidoo kale loo yaqaana dareeraha biyaha ka hor "manida-ka-hor".
Barostaytka
Qanjirka barostaytku wuxuu soo daayaa dareere xawada ama manida ka ilaaliyaa bakteeriyada wuxuna ka caawiyaa inay manidu socoto ka dib biyaha baxa. Waa qanjir dareen badan oo raaxo galmo keeni kara marka la kiciyo.
Kiishashka biyaha xawada
Kiishashka biyaha xawada waa qanjirada xubnaha ama nidaamka taranka. Waxay soo saaraan dareeraha biyaha xawada, kuwaas oo qaybta ugu badan ee manida.
Tuubooyinka faas defereenis
Labada tuubo ee faas defereernis (tuubooyinka xawada) waxay tuubooyinka manida ku xiraan dhuunta kaadimareenka. Tuubooyinkaas ayaa manida gaarsiiya kaadimareenka. Dareeraha xawada waxaa iyaga ku soo shuba kiishashka xawada, intaas ka dibna waxay sii maraan qanjirka barostaytka. Biyaha xawadu waxay isugu jiraan isku darka unugyada manida, dareeraha xawada, iyo dheecaamada barostaytka.
Futada
Futadu waa duleelka xiidmaha ku xiraya jirka dibaddiisa. Futadu waa meel xasaasi ah oo sidoo kale keeni karta dareemo.
Xuquuqda aad go’aan uga gaarayso jirkaaga
Qof kasta wuxu xaq u leeyahay in ikhtiyaarka ka yeesho jirkiisa. Qalliimada caafimaad ee aan daruuriga ahayn ee lagu sameeyo xubnaha taranku waa mamnuuc marka qofku awoodo inuu bixiyo oggolaansho warqaba laakiin aanu oggolayn in lagu sameeyo falkan. Gudniinka Fircooniga ah (FGM) waa kelmada lagu qeexo jaritaanka qaybaha sare ee xubnaha taranka dumarka iyada oo aanay jirin wax sababo caafimaad ah. FGM wuxu yeelan karaan qaabab kala duwan, sidoo kale way kala duwan tahay da’da gabdhaha loogu sameeyo. FGM waa ka mamnuuc waddanka Iswiisarlaan, iyo waddamada kale badankooda.
Haddii aad qabto wax su’aalo ah ama u baahan tahay taageero, waxaad booqan kartaa https://www.excision.ch/
Macluumaad
Waxaa qoray: 2025, SANTÉ SEXUELLE SUISSE (Ururka Caafimaadka Galmada Iswiisarlaan), ALECSS, (Ururka Khubarada Caafimaadka Maskaxda ee Dadka ku Hadla Faransiiska iyo Talyaaniga ee Iswiisarlaan - Waxbarasho - Tababaro -Talobixin) iyo faseg, Ururka Khubarada Caafimaadka Galmada ee Talobixinta iyo Waxbarashada.
Dib-u-habeen caafimaad oo qoraalka asalka ah (Faransiis): Dr Sara Arsever (Jaamacadda Geneva, HUG), Dr Céline Brockmann iyo Maéva Badré (Bioscope, UNIGE)
Soosaarista xogta waxa taageeray Xafiiska Dowladda Federaalka Iswiisarlaan ee Caafimaadka Dadwaynaha (FOPH)