Warbixinta caafimaadka wanaagsan ee ku saabsan caafimaadka galmada Iska ilaalin uuraysiga Shey yar oo lagashado maqaarka hoostiisa

Shey yar oo lagashado maqaarka hoostiisa

Waa nooc ka hortag hormoon ah waqtidheer ayuu waxtarkiisa yahay. Wuxuu u sameeysanyahay qaab sida qori oo kale ah, oo ka sameeysan caag aad u dhuuban, kaasoo kujiro hal hormoon kuwa dumarka korkeeda soo saaro oo wax yar u qeeybiyo si joogto ah.

Qaabkuu wax u qabto

  • Wuxuu u diidaa bacriminta ugxamaha, nasiino uu galiyaa.
  • Waxay ku wareegataa xuub qafiif ah oo kuyaalo minka, kaasoo diyaar u ahayn inuu sameeyo ukumo.
  • Waxay adkeenee dheecaanka minka afkiisa waxayna sameysataa isbaaro lid ku ah shahwada.

Isticmaalka

  • Noocaani waxaa galiya dhaqtarka, wuxuuna suuxinaa meesha oo lagaa galinaayo, inta lagu jiro maalmaha kuugu horeeyo ee caadada ama inta lagu gudo jiro nasiinada kaniiniga.
  • Waxaa si toos ah loogaliyaa maqaarka hoostiisa qeybta garabka ah.
  • Waxtarkeeda kahortaga wuxuu bilaabmaayaa 8 saacadood kadib markii laguu galiyay, waxayna kugu jireeysaa ilaa 3 sanood.
  • „Qori“gaan yariis oo maqaarka hoostiisa marka la galiyo, ma la arkaayo, laakiin waxaa lagu dareemaa taabashada.
  • Mudo loo eego dhumarka doorashadeeda kabacdi, laakiin ugu badnaan 3 sanood, „qori“ga yar waa laga siiibayaa asigoo isku meeshii la suuxiyi.

Weli waxaad ogaataa…

  • Hormoonka ku jiro kahortagaan wuxuu kaa badalaayaa guud ahaan caadada: dhiig aan joogto ahayn oo badanaa bilaha ugu horeeyo, kadibna caado kala dhaadheer, siiba caado la'aan.
  • Kusoonoqoshada sidii aad aheyd caadi ahaan deg deg ayay ku soo noqoneysaa markii lagaa saaro geedkaan.

Way fiicantahay in la ogaado

  • Qaabka ugu wanaagsan ee looga illaaliyo nafsadaada HIV ama caabuqyada kale ee galmada laga qaado waa ku dhaqmida galmo badbaado ah:
    1. Marwalba isticmaal kondhom, ragga ama dumarka, oo galmada siilka (galmada siilka ama futada).
    2. Wixii tallo dheeraad ah ee galmada shaqsiga, samey hubinta galmada badbaadada ah ee lovelife.ch

2018, SANTÉ SEXUELLE SUISSE, Fondation suisse pour la santé sexuelle et reproductive; ALECSS Association suisse latine des spécialistes en santé sexuelle, Éducation – Formation – Conseil; faseg, Fachverband sexuelle Gesundheit in Beratung und Bildung

Waxaa malgeliyey migesplus
www.migesplus.ch – Ogeysisyo ku sabsan xaga Cafimaadka oo Luqado kala duwan ku soo baxa

Haddii aad Suáal qabtid?

Dhaqaatiirta xarunta adeega caafimaadka galmada ayaa kaaga jawaabeyso su’aalahaaga si qarsoodi ah. Waxay halkaas u joogaan inay kaa caawiyaan helida qaabka ugu fiican ee loola macaamilo xaalkaaga.

Warbixin badan