Warbixinta caafimaadka wanaagsan ee ku saabsan caafimaadka galmada Iska ilaalin uuraysiga Kaniiniga (oestrogen iyo progestogen) oo joojin ah

Kaniiniga (oestrogen iyo progestogen) oo joojin ah

Kaniinigaan wuxuu wataa hoormoonada beenta ah (oestrogen iyo progestogen) oo la midka ah hoormoonka ay soo saaraan jirka dumarka. Xaaladaha qaarkood, hoormoonadaan waxay saameyn kartaa caafimaadkaaga. Waxaa aad u wanaagsan inaad kala hadashid dhaqtarka wax ku saabsan xaaladaada gaarka ah.

Warbixinta xigta kaliya waxay la xiriirtaa kaniiniyada (oestrogen iyo progestogen) ee baakido 21 kaniiniyo firfircoon.

Sida ay u shaqeeyaan

Kaniiniga (oestrogen iyo progestogen) oo joojin ah

  • waxay ka hortagtaa ugxansidaha iyagoo ka dhigayo ugxanada xaalad aysan firfircooneyn.
  • waxay badeshaa leemanka ilmo galeenka (xabka ilmo galeenka) marka caagaas (gelinta ukunka) suurtogal ama ahan.
  • waxay qara weyneysiisaa xabka ilmo galeenka, sidaas darteed waxay ka illaalisaa in shahwada ay gasho ilmo galeenka.

Haddii aad u isticmaashid si sax ah, qaabka ka hortaga uurka wuu ka hortagi karaa uurka.

Isticmaalka

  • Marka ugu horeyso ood isticmaaleysid kaniiniga: Ka bilaaw malinta koowaad ee caadada kuu timaado. Baakadda ugu horeyso = kahortag degdeg. Haddii aad bilowdid qaabka maalinta labaad kadib ee wareega caadadaada (caadada), isticmaal kondhom todoba maalmood ee ugu horeysa.
  • Kadib maalinta aad qaadatid 21 kaniini ee ugu dambeyso ee baakida, jooji kaniiniyada todoba maalmood.
  • Bilow baakida cusub isla maalinta isbuuca sida baakida koowaad, kadib jooji hal isbuuc kale markaad dhameysid kadib baakida cusub, iwm.
  • Bilow baakida xigta isla maalinta isbuuca sida baakida ugu dambeyso, kadib joojinta halka isbuuc ah markaad dhameysid kadib baakida. Sii wad 21/7-maalin wareega ah.

Haddii loo isticmaalo si sax ah, qaabka ayaa sidoo kale damaanad qaado illaalada inta lagu jiro joojinta halka isbuuc.

Dhiigbaxa wuxuu bilowdaa inta lagu jiro muddadaan. Caadi ahaan way fududahay oo way ka xanuun yartahay inta lagu jiro caado keenka caadiga ah.

Haddii aad …

  • la kulantid dhiig bax aan joogsi laheyn iyadoo la isticmaalayo ka hortaga uurka, tan ma ahan wax laga walaaco. Sii wad qaadashada kaniiniga sida caadiga ah. Haddii aad si joogta ah ula kulmeysid dhiig bax noocaan ah ee bil-laha xiggo, fadlan la tasho dhaqtar.
  • aad mantagtid ama shubantid, waxaa macquul ah inuu kaniinigii si fiican jirkaaga u galin iyo wax tarkiisa yaraado. Wad kanniniga isticmaalkiisa ee salbatiibo isticmaal ilaa 7 maalmood. Haddii aad ku matagtid sadex saacadood gudahood ee qaadashada kaniiniga ama aad yeelatay xaalad xun oo shubanka oo wax ka badan 24 saacadood: qaado kaniini kale (tusaale, kaniiniga ugu dambeeyo ee ku jiro baakida si markaas aadan iskugu qasin maalmaha ku calaameysan baakida).
  • ...waxay qaadanayaan daawo walba, weydii dhaqtarka ama farmashiga haddii aad weli illaalsantahay. Diyaargarowga ee wato St. John’s wort, qalajiyayaasha qaar, daawooyinka qalalka qaar iyo daawooyinka HIV waxay yareyn karaan saameynta ka hortaga uurka. Sii wad qaadashada ama isticmaalida ka hortaga uurka oo isticmaal kondhom inta lagu jiro galmada.
  • jooji isticmaalida qaabkaan ka hortaga uurka ah, saameynta ka hortaga uurka waxay joogsataa islamarkiiba. Waxaan ku talineynaa inaad dhameyso qaadashada baakida kaniiniyada ah.
  • haddii aadan laheyn wax dhiig bax ah inta lagu jiro joojinta, bilow baakida cusub ee taariiqda la qorsheeyay oo la tasho xarunta adeega caafimaadka galmada ama dhaqtarka.

Haddii ay ku dhaafto kaniini oo wax KA YAR 12 saacadood

  • Qaado kaniiniga ku dhaafay sida ugu dhaqsiha badan ee suurtogalka ah.
  • Haddii ay ka yartahay 12 saacadood dib u dhaca qaadashada kaniiniga (oo la micna ah inaad qaadatay wax ka yar 36 saacadood kadib markii aad qaadatay midka hore), saameynta ka hortaga kaniiniga ma yaraaneyso.

Haddii aad seegtay kaniini oo wax KA BADAN 12 saacadood

Ka hortaga uurka oo wax ku ool leh ayaanan markale la hubin. Fiiri baakida kaniiniga si aad u aragtid kaniinigee ayaad ilowday inaad qaadatid.

Haddii aad ilowday kaniiniga inta lagu jiro isbuuca koowaad (kaniiniyada 1 illaa 7):
… Haddii aanad galmada samayn 5 maalmood ee hore

  • Qaado kaniinigii aad iloowday mar ala markaad xasuusato, xitaa hadey labo isku maalin ama isku mar naqoto.
  • Sii wad qaadashada kaniiniga xiggo waqtiga caadiga ah.
  • baakada wad ee isticmaalna salbatiibo ilaa 7 maalmood.

...Haddii aad galmada samaysay 5 maalmood ee hore

  • Qaado kaniiniga ka hortaga uurka degdegasida ugu dhaqsiga badan ee suurtogalka ah oo raac tallooyinka xirfadlayaasha.
  • Isticmaal kondhomka illaa ka hortaga uurka uu shaqeeyo markale. Tan waxay ku xirnaaneysaa nooca kaniiniga ka hortaga uurka degdega ah ee aad isticmaasho.

Haddii aad ilowday kaniiniga inta lagu jiro isbuuca labaad (kaniiniyada 8 illaa 14):

  • Haddii aad u qaadatid kaniiniga si sax ah inta lagu jiro 7 maalmood ee la soo dhaafay, iyo haddii aad yeelatay ama aadan yeelan galmada isu taga:
  • qaado kaniiniga la seegay sida ugu dhaqsiha badan ee suurtogalka ah, xittaa haddii midaan loola jeedo qaadashada 2 kaniiniyada isla maalinta ama isku waqtiga
  • joogtey qaadashada kaniiniyada haray oo waqtiga caadiga ah

Haddii aad ilowdid kaniiniga inta lagu jiro isbuuca sadexaad (kaniiniyada 15 illaa 21):
Haddii aad u qaadatid kaniiniga si sax ah inta lagu jiro 7 maalmood ee la soo dhaafay, iyo haddii aad yeelatay ama aadan yeelan galmada isu taga:

  • Qaado kaniinigii aad iloowday mar ala markaad xasuusato, xitaa hadey labo isku maalin ama isku mar naqoto.
  • joogtey qaadashada kaniiniyada haray oo waqtiga caadiga ah illaa baakida ay ka dhammaato
  • bilow isla markiiba baakid cusub oo kaniiniyada, oo aan laheyn maalmaha kaniini la'aanta

Haddii aad seegtid 2 kaniini (ama ka badan) oo saf ah ama haddii aad seegtid mid oo aadan si joogta ah u qaadan kaniiniga mid walba oo todobada maalmood ee hore

Ka hortaga uurka wax ku oolka ah markale lama hubo oo waxaa jiro halista uur qaadista

La xiriir xarunta adeega caafimaadka galmada ama dhaqtar.

Way fiicantahay in la ogaado

  • Qaabka ugu wanaagsan ee looga illaaliyo naftaada HIV ama caabuqyada galmada laga qaado waa ku dhaqmida galmo badqab ah. Tani waxay lka micna tahay:
    1. Isticmaal kondhom inta lagu jiro isu taga galmo oo xubinta taranka ah ama galmada futada ah.
    2. Dhammaan warbixin dheeraad ah waxaa laga heli karaa www.lovelife.ch

2023, SANTÉ SEXUELLE SUISSE, Fondation suisse pour la santé sexuelle et reproductive; ALECSS Association suisse latine des spécialistes en santé sexuelle, Éducation – Formation – Conseil; faseg, Fachverband sexuelle Gesundheit in Beratung und Bildung

Waxaa malgeliyey migesplus
www.migesplus.ch – Ogeysisyo ku sabsan xaga Cafimaadka oo Luqado kala duwan ku soo baxa

Haddii aad Suáal qabtid?

Dhaqaatiirta xarunta adeega caafimaadka galmada ayaa kaaga jawaabeyso su’aalahaaga si qarsoodi ah. Waxay halkaas u joogaan inay kaa caawiyaan helida qaabka ugu fiican ee loola macaamilo xaalkaaga.

Warbixin badan