Warbixinta caafimaadka wanaagsan ee ku saabsan caafimaadka galmada Iska ilaalin uuraysiga Kaniiniga kahortaga uurka (kaniiniga yar)

Kaniiniga kahortaga uurka (kaniiniga yar)

Kaniiniyadaan waxay wataan hoormoonka beenta (progestagen) la midka ah hoormoonka ay soo saaraan jirka dumarka. Xaaladaha qaarkood, hoormoonada waxay saameyn karaan caafimaadka dumarka. Waxaa aad u wanaagsan inaad kala hadashid dhaqtarka wax ku saabsan xaaladaada gaarka ah.

Sida ay u shaqeeyaan

Kaniiniga kahortaga uurka (kaniiniga yar)

  • waxay ka hortagtaa ugxansidaha iyagoo ka dhigayo ugxanada xaalad aysan firfircooneyn.
  • waxay badeshaa leemanka ilmo galeenka (xabka ilmo galeenka) marka caagaas (gelinta ukunka) suurtogal ama ahan.
  • waxay qara weyneysiisaa xabka ilmo galeenka, sidaas darteed waxay ka illaalisaa in shahwada ay gasho ilmo galeenka.

Haddii aad u isticmaashid si sax ah, qaabka ka hortaga uurka wuu ka hortagi karaa uurka.

Isticmaal

  • Haddii aad qaadaneysid kaniiniga markii koowaad: Bilow baakida maalinta koowaad ee caadadaada (caadada) = illaalo degdega ah. Haddii aad bilowdid qaabka maalinta labaad kadib ee wareega caadadaada, isticmaal kondhom todoba maalmood.
  • Maalin walba isku waqti qaado kaniiniga (walwal la'aan waxaad iloobikartaa: ugu badnaan 12 saacadood).
  • Kaniiniga progestagen waa in la qaataa iyadoon la joojin. Markii aad timaatid dhammaadka baakida: bilow baakid cusub islamarkiiba maalinta xigta – oo aan laheyn joojin - (haddii aad leedahay dhiig bax iyo haddii aadan laheyn).
  • Markaad dhashid kadib, bilaaw kanniiniga 21 bari kabacdi. Kahortagaasna wuxuu bilaabmaayaa 7 maalmood kadib.

Dhiigbaxa ayaa fududaan karo oo ka xanuun yaraado inta lagu jiro caadada caadiga ah (caadada). Waxay sidoo kale noqon kartaa mid aan joogto aheyn ama inta badan aan jirin dhiig bax gabi ahaanba.

Hadii aad ...

la kulantid dhiig bax aan joogsi laheyn iyadoo la isticmaalayo ka hortaga uurka, tan ma ahan wax laga walaaco. Sii wad qaadashada kaniiniga sida caadiga ah. Haddii aad si joogta ah ula kulmeysid dhiig bax noocaan ah ee bil-laha xiggo, fadlan la tasho dhaqtar.

aad mantagtid ama shubantid, waxaa macquul ah inuu kaniinigii si fiican jirkaaga u galin iyo wax tarkiisa yaraado. Wad kanniniga isticmaalkiisa ee salbatiibo isticmaal ilaa 7 maalmood. Haddii aad ku matagtid sadex saacadood gudahood ee qaadashada kaniiniga ama aad yeelatay xaalad xun oo shubanka socdaa wax ka badan 24 saacadood: qaado kaniini kale (tusaale, kaniiniga ugu dambeeyo ee ku jiro baakida si markaas aadan iskugu qasin maalmaha ku calaameysan baakida).

...waxay qaadanayaan daawo walba, weydii dhaqtarka ama farmashiga haddii aad weli illaalsantahay. Diyaargarowga ee wato St. John’s wort, qalajiyayaasha qaar, daawooyinka qalalka qaar iyo daawooyinka HIV waxay yareyn karaan saameynta ka hortaga uurka. Sii wad qaadashada ama isticmaalida ka hortaga uurka oo isticmaal kondhom inta lagu jiro galmada.

jooji isticmaalida qaabkaan ka hortaga uurka ah, saameynta ka hortaga uurka waxay joogsataa islamarkiiba. Waxaan ku talineynaa inaad dhameyso qaadashada baakida kaniiniyada ah. Si loo hubiyo illaalada loogaga hortago uurka, waa inaad bilowdaa isticmaalida kondhomyada shan maalin ka hor intaadan qaadan kaniiniga ugu dambeeyay.

... ku badel ka hortag ka duwan: islamarkiiba bilow ka hortaga uurka ee kale oo aan laheyn joojin oama aan la sugeynin caadada (caadadaada) inay bilaabanto.

Haddii ay ku dhaafto kaniini oo wax KA YAR 12 saacadood

  • Qaado kaniiniga ku dhaafay sida ugu dhaqsiha badan ee suurtogalka ah.
  • Haddii ay ka yartahay 12 saacadood dib u dhaca qaadashada kaniiniga (oo la micna ah inaad qaadatay wax ka yar 36 saacadood kadib markii aad qaadatay midka hore), saameynta ka hortaga kaniiniga ma yaraaneyso.

Haddii aad seegtay kaniini oo wax KA BADAN 12 saacadood

Isbuuca 1aad ee baakida 1aad iyo haddii aad galmo yeelatay shantii maalmood ee la soo dhaafay

  • Qaado kaniiniga ka hortaga uurka degdegasida ugu dhaqsiga badan ee suurtogalka ah oo raac tallooyinka xirfadlayaasha.
  • Isticmaal kondhomka illaa ka hortaga uurka uu shaqeeyo markale. Tan waxay ku xirnaaneysaa nooca kaniiniga ka hortaga uurka degdega ah ee aad isticmaasho.

Inta lagu jiro ama kadib isbuuca 2aad ee isticmaalka iyo haddii aad qaadatay kaniiniga waqtiga saxda ah oo todoba maalmood ka hor intaadan iloobin

  • Qaado kaniinigii aad iloowday mar ala markaad xasuusato, xitaa hadey labo isku maalin ama isku mar naqoto.
  • Sii wad qaadashada kaniiniga waqtiga caadiga ah.
  • baakada wad ee isticmaalna salbatiibo ilaa 7 maalmood.

Illaalada ka hortaga uurka waxaa la hubaa kaliya todoba maalmood kadib markii aad bilowdid qaadashada kaniiniga.

Haddii aad seegtid 2 kaniini (ama ka badan) oo saf ah ama haddii aad seegtid mid laakiin aadan waqtiga ku haboon qaadan kaniiniga mid walba oo todobada maalmood ee hore

Ka hortaga uurka wax ku oolka ah markale lama hubo oo waxaa jiro halista uur qaadista.

La xiriir xarunta adeega caafimaadka galmada ama dhaqtar.

Way fiicantahay in la ogaado

  • Qaabka ugu wanaagsan ee looga illaaliyo naftaada HIV ama caabuqyada galmada laga qaado waa ku dhaqmida galmo badqab ah. Tani waxay lka micna tahay:
    1. Isticmaal kondhom inta lagu jiro isu taga galmo oo xubinta taranka ah ama galmada futada ah.
    2. Dhammaan warbixin dheeraad ah waxaa laga heli karaa www.lovelife.ch

2023, SANTÉ SEXUELLE SUISSE, Fondation suisse pour la santé sexuelle et reproductive; ALECSS Association suisse latine des spécialistes en santé sexuelle, Éducation – Formation – Conseil; faseg, Fachverband sexuelle Gesundheit in Beratung und Bildung

Waxaa malgeliyey migesplus
www.migesplus.ch – Ogeysisyo ku sabsan xaga Cafimaadka oo Luqado kala duwan ku soo baxa

Haddii aad Suáal qabtid?

Dhaqaatiirta xarunta adeega caafimaadka galmada ayaa kaaga jawaabeyso su’aalahaaga si qarsoodi ah. Waxay halkaas u joogaan inay kaa caawiyaan helida qaabka ugu fiican ee loola macaamilo xaalkaaga.

Warbixin badan