Warbixinta caafimaadka wanaagsan ee ku saabsan caafimaadka galmada Iska ilaalin uuraysiga Kaniiniga kahortaga uurka ee markasta la qaato

Kaniiniga kahortaga uurka ee markasta la qaato

Kininka carurta lagu kala fogeenayo (bila kala jojin)

Waa kaniini ku jiro hormoon oo la mid ah kan naagta sameeyso, laakiin waa mid qafiif ah. Marwalba ayaa la qaataa kala joojis la aan, xitaa markey caadada ku heyso.

Qaabka uu wax uqabto

  • Waxay diidaysaa ukumaha inay sameys maan.
  • Waxay ku wareegataa xuub qafiif ah oo ku yaalo minka ka soo diyaar u aheyn inuu qaabilo ukun.
  • Waxay adkayneysaa dheecaanka minka afkiisa iyo waxay ku sameysaneysaa isbaaro lid ku ah shahwada.

Isticmaalka

Baakadka kanniiniga waxaa ku jira 28 xabo,ku waa soo 24 xabo oo kujiraan hormoon waana ku wo (kalar leh) 4 ta kalena waa kuwo (kalar cadaan leh).

  • Bilaaw baakada ugu horeyso
    Maalinta kuu gu horeyso ee aad caadada heshid = ilaalo
    degdeg.
  • Maalin walba isku xili qaado (hadii ay dhacdo inaad iloowdo ha ahaato ilaa 12 saacadood)
  • Caadada waxay imaan markaad baakadka dhameysid,qaas ahaan markaad qaadatid kuwa cadaanka ah. Mararka qaarkood waxyar ayaa kaa imaanayo oo xanuun yar wato.
  • Markaad baakadka dhameysid,horey ka bilaaw mid kale adoo na kala joojin,xitaa hadey caadada kaa go in.

Hadey kugu timaado

… inuu dhiig badan kaa yimaado intaad qaadanaysid kanniiniga marnaba ha joojin, si joogto ah uwad,wax dhib ah ma ahan.hadii dhiigaas sii socdo ilaa caadada kale, Kala hadal dhaqtarkaaga.
… hadii aad mantagtid ama shubantid, waxaa macquul ah inuu kanniinigii wax ku tarin ee difaaciisana yaraado.Wad kanniiniga inaad qaadatid isticmaalna salbatiibo ilaa 7 maalmood. Hadii aad mantagtid 4 saac kadib xiligii aad qaadatay kanniini kalar leh, marlabaad qaado mid isla kalarkaas ah. (tusaale ahaan baakadkale oo keyd kuu ahaa).
... hadii aad qaadatid kanniniyasha sida, antibiyootikada, kann dadka dajiyo kan jareeska, usheeg dhaqtarkaaga sababtoo ah daawooyinka qaar kood waxay daciif ka dhigaan waxtarka kaniiniga ka hortaga hajoojin kanniiniga isticmaalna salbatiibo mar walba.
… hadii uusan isu tag dhicin (ninkaaga kala tagtaan,ama wax badan kala maqnaataan), dhameystir kanniiniga sidey ahaan jirtay salbatiibana keyd ka dhigo.
… hadii aysan caadada kugu dhicin baakadka markaad dhameysay ee:
- kanniinigana iloobin
- aadna mantagin-shuban na kugu dhicin
- daawo nooc kalana aadan isticmaalin
Marlabaad biloow baakad cusub markaad qaadatid xabada ugu danbayso ee cadaanka ah usheeg dhaqtarkaaga ama xafiiska qorsha qoyska.

Hadii aad iloowdid kanniiniga

  • Kanniini hal mar la iloobo wax qatar makeeno hadii uusan dhaafin 12 saacadood.
  • Hadii uuse dhaafo 12kaas saac saad uqaadan jirtay uwad, laakiin ka hortagaas ma sugna.

Maxaad sameyn ?

  • Qaado kanniinigii aad iloowday markii aad xasuusatid xitaa hadey noqoto 2 xabo isku maalin.
  • Hadii aadan sameeyn wax galmo ah maalinkii aad iloowday ama 7 dii maalmood ee la soo dhaafay,wad kanniiniga isticmaalna salbatiibo ilaa 7 maalmood.

Markasta ood kanniini iloowdid waxaa lagama maarmaan ah inaad 7maalmood aad si joogto ah u isticmaashid kanniiniga kalarka ah.
Taasi waxay ka dhigantahay hadii aad iloowdid kanniini eyna kuu harin 7xabo oo kalar leh,ha isticmaalin kanniiniga cadaanka ah, laakiin isla markiiba isticmaak baakad cusb.

  • Haddi ad galma gashay 7 ciisho ee la so dafay, waxad la xirirta hayada qabilsan cafimadka galmada iyo qoysyada ama daqtarkaga. Waxa laga yaba in ad uu bahan tahay ka hortag ur kama ah. Taasna waxa lo bahan yahay si deg deg ah in loga hortago – marba sida wax ay yihin ugu dambeen 70 ama ila 120 sacad ka dib markad galmada sameesay bila ka hortag ur (waxad eegta ka hortag ur kama ah).  
  • Ku sii meel gaar ahaan sii wad kanniiniga adigoo isticmaalayo salbatiibo hadii aad wax isu tag ah sameysid.
  • Iloobida kanniniga cad wax dhib ah ma lahan.

Haddaba weli sii ogow

in iloobida kanniiniga uu dhiig keeni karo

Way fiicantahay in la ogaado

  • Qaabka ugu wanaagsan ee looga illaaliyo nafsadaada HIV ama caabuqyada kale ee galmada laga qaado waa ku dhaqmida galmo badbaado ah:
    1. Marwalba isticmaal kondhom, ragga ama dumarka, oo galmada siilka (galmada siilka ama futada).
    2. Wixii tallo dheeraad ah ee galmada shaqsiga, samey hubinta galmada badbaadada ah ee lovelife.ch

2018, SANTÉ SEXUELLE SUISSE, Fondation suisse pour la santé sexuelle et reproductive; ALECSS Association suisse latine des spécialistes en santé sexuelle, Éducation – Formation – Conseil; faseg, Fachverband sexuelle Gesundheit in Beratung und Bildung

Waxaa malgeliyey migesplus
www.migesplus.ch – Ogeysisyo ku sabsan xaga Cafimaadka oo Luqado kala duwan ku soo baxa

Haddii aad Suáal qabtid?

Dhaqaatiirta xarunta adeega caafimaadka galmada ayaa kaaga jawaabeyso su’aalahaaga si qarsoodi ah. Waxay halkaas u joogaan inay kaa caawiyaan helida qaabka ugu fiican ee loola macaamilo xaalkaaga.

Warbixin badan