Warbixinta caafimaadka wanaagsan ee ku saabsan caafimaadka galmada Iska ilaalin uuraysiga Faraantiga siilka la iska galiyo

Faraantiga siilka la iska galiyo

Faraantiga caaga jilicsan (cabirka 54 mm) ayaa la geliyaa xubinta taranka. Waxay wadataa hoormoonada beenta ah (oestrogen iyo progestagen) oo la midka ah kuwa ay soo saaraan jirka dumarka. Xaaladaha qaarkood, hoormoonadaan waxay saameyn kartaa caafimaadkaaga. Waxaa aad u wanaagsan inaad kala hadashid dhaqtarka wax ku saabsan xaaladaada gaarka ah.

Sida ay u shaqeeyaan

Faraantiga siilka la iska galiyo

  • waxay ka hortagtaa ugxansidaha iyagoo ka dhigayo ugxanada xaalad aysan firfircooneyn.
  • waxay badeshaa leemanka ilmo galeenka (xabka ilmo galeenka) marka caagaas (gelinta ukunka) suurtogal ama ahan.
  • waxay qara weyneysiisaa xabka ilmo galeenka, sidaas darteed waxay ka illaalisaa in shahwada ay gasho ilmo galeenka.

Haddii aad u isticmaashid si sax ah, qaabka ka hortaga uurka wuu ka hortagi karaa uurka.

Isticmaalka

Geli faraantiga siilka oo ku dhaaf booskaas 3 isbuuc aan kala go’ laheyn. Ka saar faraantiga 3 isbuuc kadib oo qaado hal isbuuc nasiinyo ah. Kadib bilow markale faraanti cusub.

  • Waqtiga ugu horeeyo ee aad isticmaashid faraanti, gelinta xubintaada taranka oo maalinta koowaad ee bilowga caadadaada = illaalo degdeg ah. Haddii aad bilowdid qaabka maalinta labaad kadib ee wareega caadadaada (caadada), isticmaal kondhom todoba maalmood ee ugu horeysa.
  • Geli faraantigaaga cusub joojinta halka isbuuc kadib ee isla maalinta isbuuca ee aad gelisay faraantiga koowaad.

Haddii loo isticmaalo si sax ah, qaabka ayaa sidoo kale damaanad qaado illaalada inta lagu jiro joojinta halka isbuuc.

Dhiigbaxa wuxuu bilowdaa inta lagu jiro muddadaan. Caadi ahaan way fududahay oo way ka xanuun yartahay inta lagu jiro caado keenka caadiga ah.

Tusaalo ahaan

  • Marka kuugu horeeyo aad gashaneysid faraantiga arbacada ookale saacada 22h,
  • 3 isbuuc kadib iska siib maalin arbaco ah saacaduna 22h.
  • Jooji hal isbuuc, kadib geli faraantiga cusub saacada 10 p.m. ee Arbacada. Joojinta waa inaysan marnaba ka dheeraan todoba maalmood.

Sida loo gashado iyo sida la isaga saaro

1. ku fidi faraantiga suulka iyo farta udhaxeyso. 

2. Gali siilka dhexdiisa.
3. Hoos ugu riix iyo gadaal gadaal. Faraantiga markaas wuxuu joogi booskiisa. Hadii aad dareentid, hoos u sii riix ilaa meel dheer. 
4. Si aad uga saartid faraantiga, geli farta xubintaada taranka, ku xir faraantiga oo kadib ka soo jiid faraantiga. Ku tuur weelka qashinka.

Haddii aad …

…la kulantid dhiig bax aan joogsi laheyn iyadoo la isticmaalayo ka hortaga uurka, tan ma ahan wax laga walaaco. Sii wad isticmaalida faraantiga xubinta taranka sida caadiga ah. Haddii aad si joogta ah ula kulmeysid dhiig bax noocaan ah ee bil-laha xiggo, fadlan la tasho dhaqtar.

...waxay qaadanayaan daawo walba, weydii dhaqtarka ama farmashiga haddii aad weli illaalsantahay. Diyaargarowga ee wato St. John’s wort, qalajiyayaasha qaar, daawooyinka qalalka qaar iyo daawooyinka HIV waxay yareyn karaan saameynta ka hortaga uurka. Sii wad qaadashada ama isticmaalida ka hortaga uurka oo isticmaal kondhom inta lagu jiro galmada.

jooji isticmaalida qaabkaan ka hortaga uurka ah, saameynta ka hortaga uurka waxay joogsataa islamarkiiba. Waxaan ku talineynaa inaad sugtid illaa dhammaadka isbuuca sadexaad ka hor ka saarida faraantiga.

… haddii aadan la kulmin wax dhiig bax ah inta lagu jiro joojinta, bilow fariinti cusub ee taariiqda la qorsheeyay oo la tasho xarunta adeega caafimaadka galmada ama dhaqtarka.

 

Iska ilow inaad ka saartid faraantiga dhammaadka isbuuca 3aad

  • Uga saar faraantiga sida ugu dhaqsiha badan ee suurtogalka ah oo geli faraantiga cusub maalinta asalka ee la qorsheeyay. Usii wad si caadi ah.

Iska ilow inaad gelisid faraanti cusub joojinta halka isbuuc kadib

Haddii aad baxdid faraanti la’aan muddo ka dheer hal isbuuc (ama haddii isla faraantiga ku haro xubintaada taranka muddo ka dheer afar isbuuc) ka hortaga uurka oo waxku oolka ah markale lama hubo.

Haddii aanad galmada samayn 5 maalmood ee hore

  • Geli faraantiga cusub sida ugu dhaqsiha badan iyo sidoo kale isticmaal kondhom todobada maalmood ee xigta.

Haddii aad galmada samaysay 5 maalmood ee hore

  • Qaado kaniiniga ka hortaga uurka degdega sida ugu dhaqsiga badan ee suurtogalka ah oo raac tallooyinka xirfadlayaasha.
  • Isticmaal kondhomka illaa ka hortaga uurka uu shaqeeyo markale. Tan waxay ku xirnaaneysaa nooca kaniiniga ka hortaga uurka degdega ah ee aad isticmaasho.

Haddii uu faraantiga ku soo baxo si shil ah

Haddii faraantiga uu banaanka ka jiray xubintaada taranka wax KA YAR sadex saacadood, illaalada weli waa la hubbaa.

  • Ku raaci faraantiga biyo qabow ama diiran (ha isticmaalin saabuun) oo dib u geli, ama isticmaal faraanti cusub.

Haddii faraantiga uu banaanka ka jiray xubintaada taranka wax BADAN sadex saacadood, illaalada markale lama hubbo.

Haddii aanad galmada samayn 5 maalmood ee hore:

  • Dib u geli ama badel faraantiga oo sidoo kale isticmaal kondhom todobada maalmood ee xigta

Haddii aad galmada samaysay 5 maalmood ee hore:
Isbuucii koowaad
ood gashatay faraantiga:

  • Qaado kaniiniga ka hortaga uurka degdega sida ugu dhaqsiga badan ee suurtogalka ah oo raac tallooyinka xirfadlayaasha.
  • Isticmaal kondhomka illaa ka hortaga uurka uu shaqeeyo markale. Tan waxay ku xirnaaneysaa nooca kaniiniga ka hortaga uurka degdega ah ee aad isticmaasho.

Isbuuca 2baad:

  • Dib u geli ama badel faraantiga oo sidoo kale isticmaal kondhom todobada maalmood ee xigta

Isbuuca 3xaad:

  • Geli faraanti cusub oo meel uga tag sadex isbuuc iyadoon la joojin. Maalinta aad geliso faraantiga cusub wuxuu noqdaa taariiqda tixraacaaga.

Way fiicantahay in la ogaado

  • Qaabka ugu wanaagsan ee looga illaaliyo naftaada HIV ama caabuqyada galmada laga qaado waa ku dhaqmida galmo badqab ah. Tani waxay lka micna tahay:
    1. Isticmaal kondhom inta lagu jiro isu taga galmo oo xubinta taranka ah ama galmada futada ah.
    2. Dhammaan warbixin dheeraad ah waxaa laga heli karaa www.lovelife.ch

2023, SANTÉ SEXUELLE SUISSE, Fondation suisse pour la santé sexuelle et reproductive; ALECSS Association suisse latine des spécialistes en santé sexuelle, Éducation – Formation – Conseil; faseg, Fachverband sexuelle Gesundheit in Beratung und Bildung

Waxaa malgeliyey migesplus
www.migesplus.ch – Ogeysisyo ku sabsan xaga Cafimaadka oo Luqado kala duwan ku soo baxa

Haddii aad Suáal qabtid?

Dhaqaatiirta xarunta adeega caafimaadka galmada ayaa kaaga jawaabeyso su’aalahaaga si qarsoodi ah. Waxay halkaas u joogaan inay kaa caawiyaan helida qaabka ugu fiican ee loola macaamilo xaalkaaga.

Warbixin badan