Qaababka aan FALGALE aheyn ee ka hortaga uurka
Waxaa jiro dhoor qaabood ee ka hortaga uu aan FALGALE aheyn, kaas oo leh qiimooyin kala duwan ee kalsoonida. Ma dhaxgalaan wareega caadada.
- Qaababka xadidnaanta.
- Qaababka dabiiciga ah (wacyigelinta bacrinka).
- Qalabyada ka hortaga uurka ilmo galeenka (IUD/ naxaaska).
Qalab dheeraad ah iyo warbixinta sidoo kale sidas ciwaanada wax ku oolka ah waxaa laga helaa caafimaadka galmada iyo adeegyada qorsheynta uurka qoyska.
1) Qaababka xadidnaanta
Kondhomka ragga iyo kondhomka naagta
Kondhomyada way ka illaaliyaan shahwada inay siilka gasho. Waxay sidoo kale ka hortagaan HIV iyo caabuqyada kale ee galmada laga qaado (STIs).
Kondhomka ragga waxaa lageliyaa duubaa guskoo kacsan.
Kondhomka dumarka wuxuu ka sameysanyahay dabool jilicsan, ee qalabka kiimikada ee la geliyo siilka.
Caaga shahwada daboolo
Caaga shahwada daboolo waa dhoom wareegsan ee ka sameysan goomo ama silikoon ee leh riim dabacsan. Wuxuu daboolaa qoorta ilmo galeenka (afka ilmo galeenka) oo ka illaaliyaa shahwada inay gasho ilmo galeenka (caloosha). Caaga shahwada daboolo waa in lagu isticmaalaa jeel ama kareem.
2) Qaababka dabiiciga ah (wacyigelinta bacrinka) oo dumarka
Qaababkaan waxay ku saleysanyihiin dhowrida wareega caadada iyo aastaamaha iyo caalamadaha ee aastaameeyo maalmaha bacrinka iyo aan bacrinka aheyn ee wareega dumarka. Waa muhiim in uu ku baro tababaraha wacyigelinta bacrinka ee shahaadeysan iyo in aad si joogta ah u qortid dhowridaada.
Si loo hubiyo in qaababkaan ay wax ku ool leeyihiin, waa muhiim in la kormeero sida xigta: heerkululka jirkaaga; badelada xabta ilmo galeenkaaga; isbadelada afka ilmo galeenkaaga; iyo aastaamaha jirka kala duwan ee lagu arko illaa wareega caadada. Waxaa jiro apps iyo websaydyo la gaareeyay ee kugu caawin kara qorista dhowridaada.
Waa inaad isticmaashaa kondhom ama caaga shahwada daboolo inta lagu jiro maalmaha bacrinka ee wareegaaga caadada.
Qaababka dabiiciga ah waxaa sdioo kale lagu isticmaali karaa markii aad isku dayeysid inaad uur yeelatid.
3) Qalabyada ka hortaga uurka ilmo galeenka (IUD/caaga naxaaska).
Naxaaska IUD waa qalab yar, dabacsan ee ku haraareysan fiilo naxaas qafiif ah. Waxaa geliyo ilmo galeenka dhaqtar.
Naxaaska IUD wuxuu ku bixiyaa ka hortaga uurka dhinaca saameynta naxaaska ee shahwada iyo fadhiga ilmo galeenka.
Wanaagsan in la ogaado
- Ma jiraan qaababka aan hoormonka aheyn ee ka hortaga uurka ee ka isticmaali karo dhalashada canuga kadib.
Qadka ku xiran warbixin badan - Qaababka qaar, sida xisaabinta kaleendarka ku saleysan ee maalmahaaga bacrinka; banaan ku biyo baxa (qaabka kalaabashada ama taxadarnaanta); buufinta siilka; ama isticmaalka shahwada (caagaga caabuqa siilka, jeelalka, iwm.) ha siinin illaalo wax ku ool ah ee ka hortaga uurka.
- Qaabka ugu wanaagsan ee looga illaaliyo nafsadaada HIV ama caabuqyada kale ee galmada laga qaado waa ku dhaqmida galmo badbaado ah:
1. Marwalba isticmaal kondhom, ragga ama dumarka, oo galmada siilka (galmada siilka ama futada).
2. Wixii tallo dheeraad ah ee galmada shaqsiga, samey hubinta galmada badbaadada ah ee lovelife.ch.
2018, SANTÉ SEXUELLE SUISSE, Fondation suisse pour la santé sexuelle et reproductive; ALECSS Association suisse latine des spécialistes en santé sexuelle, Éducation – Formation – Conseil; faseg, Fachverband sexuelle Gesundheit in Beratung und Bildung
Warbixin kale oo ku saabsan Mowduuca
- Waa kahortag sida tiimbaraha la isku dhajiyo
- Cinjir laga shado marwalba aad galmo sameyneysid
- Salbatiibada dumarka
- Kondhomka ragga
- Shahwadile
- Mareeguhu
- Shey yar oo lagashado maqaarka hoostiisa
- Isdurista 3 bilood laha
- Dariiqa ka hortaga oo wax yar lahubo
- Dariiqa caadiga ah ee la isaga ilaaliyo uurka daawo la'aan
- Qalitan laga xidhayo dhalista carurta nin iyo nag ba
- Ka hortaga uurka ragga
- Kaniiniga kahortaga uurka (kaniiniga yar)
- Kaniiniga (oestrogen iyo progestogen) oo joojin ah
- Uraysi iska ilaalinta gurmad degdega
- Faraantiga siilka la iska galiyo
- Kaniiniga kahortaga uurka ee markasta la qaato