Warbixinta caafimaadka wanaagsan ee ku saabsan caafimaadka galmada Iska ilaalin uuraysiga Salbatiibada dumarka

Salbatiibada dumarka

U isticmaal si saxah, salbatiibada dumarka waa kahortag uurka iyo cudurada laga qaado galmada sida aydhiska oo ye anfakshinka. 

Muxuu yahay ?

Waa shay kooban oo jilicsan. Dufan ayuu leeyahay wuxuu na labada dhinac ku qabaa wareeg faraantiga oo kale. Faarantiga gudhihiisa dhinaca banaanka ayuu u furanyahay. 

Qaabkuu wax u qabto

Markaad gashatit, waxuu dabooleeysa geesaha siilka afkiisa ka dib wuxuu u diidayaa shahwada iney gasho siilka iyo minka. Gashadiisa kuma xirno hal dareen oo kaliye. Marka waxaad gashankartaa intaadan wax sameyn, siiba raga markuu biyaha ka imaado, ma ubaahno inuu kabixiyo guskiisa kahor intuusan kacsiga kadamin.

  • Waa wax halmar la isticmaalo. 

Dardaaran

  • Ilaali taariiqda ay dhaceyso.
  • Ka ilaali nalka, kuleelka iyo wayaalaha dilaacinkaraan.
  • Saad isaga yareeysid sharqanta salbatiibada inta fal galka uu dhacaayo, waxaad salbatiibada dhaxdeeda ku dari kartaa dufan.

Si uu waxtar sare u yeesho, salbatiibada waa in markasata uu fal dhacaayo la isticmaalaa iyo markastaba falka ka hor.
Meesha ugu dambeeso guska markuu kacsado afkiisa waxaa ku jiro dhibic qoyaan ah oo kujirikaro shahwo ama jeermis oo qof aydhiska qabo laga qaadi karo. 

Isticmaalka

1. Qabo faraantiga gudihiisa, ku riix meesha ugu fog ee siilka gudihiisa. Faraantiga qeybtiisa ee balaaran waa iney joogtaa banaanka siilka afkiisa. 

2. Markii uu guska galo qabo faraantiga qeybta taalo siilka afkiisa suu u dhaqaaqin.

3. Markaad iska soo bixineysid, gadi faraantiga ee si tartiib ah isaga soo jiid.

Kutuur qashinka ee haku ridin musqusha. 

Salbatiiba dumarku ay istic malan oo lo isticmalo inan ur la yeelan wa cinjir an cadiyan dilacin lakin haday noqoto waxa la yaba in ad uu bahato ka hortag ur kama ah. Taasna waxa lo bahan yahay si deg deg ah in loga hortago – marba sida wax ay yihin ugu dambeen 70 ama ila 120 sacad ka dib markad galmada sameesay bila ka hortag ur (waxad eegta ka hortag ur kama ah).

Xagan ka helaya meel iga cawisa ka hor taga ur kama ah

  • Xafiiska qorshaha qoyska
  • Farmashiyayaasha warqad dhaqtar la’aan
  • Isbitaalka qeybta dhaqtarka deg dega
  • Dhaqtarka qeybta dumarka ama dhaqtaryaasha

Saad u dareentid fudeed

Kaligaa tabobar samee si aad u fahantid sii loo galinaayo. Kadib way fududaanee markaad labo tihiin. Lamaanahaaga ugula hadal. 

2015, SANTÉ SEXUELLE Suisse, Fondation suisse pour la santé sexuelle et reproductive; ALECSS Association suisse latine des spécialistes en santé sexuelle, Éducation – Formation – Conseil; faseg, Fachverband sexuelle Gesundheit in Beratung und Bildung

Waxaa malgeliyey migesplus
www.migesplus.ch – Ogeysisyo ku sabsan xaga Cafimaadka oo Luqado kala duwan ku soo baxa

Haddii aad Suáal qabtid?

Dhaqaatiirta xarunta adeega caafimaadka galmada ayaa kaaga jawaabeyso su’aalahaaga si qarsoodi ah. Waxay halkaas u joogaan inay kaa caawiyaan helida qaabka ugu fiican ee loola macaamilo xaalkaaga.

Warbixin badan