Dariiqa ka hortaga oo wax yar lahubo
Dadka aan rabin iney uur naba qaadaan, marnaba ineey isticmaalaan ma'ahan dariiqin soo socodaan.
Dariiqa Ogino ama "xisaabta"
Dariiqaan wuxuu ku saleeysanyahay xisaab. Waxay dhameestirtaa maalmaha u dhow ugxamida ukumaha tasoo lagu qiyaasay in dhumarka ukumaheeda diyaar yihiin inta u dhaxeeyso 6 ilaa 12 kii wareeg oo lasoodhaafay. Waxaa jira mashiin koronto ah oo suuqa laga helo kaasoo kuu sheegayso xiliga ay ukumahaaga diyaayihiin xisaab ahaan. Laguma tashankaro xisaabtaas! Jiro hadeey timaado, walwal ama daal haduu ku haayo tusaalo ahaan, wax yaalahaas oo dhan way soo hormarinkaraan ama dib u dhigikaraan ukumahaaga.
"Shahwadile"- yaasha
Si kala duban eey eg yihiin: suboosto, kareem, jeel, isbuunyo oo kale. Waxaa la galiyaa siilka gudihiisa, waxaa loogu talagalaay in eey shahwada dilaan. Hadii shahwadile kaligiis isticmaashid wax tar ma lahan. In aa dariiqa kahortagkale lala isticmaalo waye (salbatiibo ama cinjirka isbaaro), haduu shahwadile oo "benzalkonium" laheen (fiiri xaanshada "Shahwadile").
Sida xaalad kasta oo kahortag ah,waxaa lagula talinaayaa salbatiibo inaad ula isticmaashid si eey u difaacdo cudurada laga qaado galmada sida aydhiska iyo infakshinka.
Inta uu biyaha imaan ama "iska bixi" ama "is ilaali"
Waxeey ku saabsantahay in ragga kabixiyaa guskiisa siilka inta uu san biyobixin.
Qatar!
- Ragga wuu iska saarikaraa intuusan kajabin kacsiga laakiin waxay kugu noqonkaraa daah.
- Meesh ugu danbayso ee guska markuu kacsanyahay waxaa ku jiro biyo taasoo ahaankarta shahwo waxaana laga yaabaa inay bacrimin sameeyso is la xiligaas.
Qobeyska siilka
- Waxay ku saabsantahay in aad iska dhaqdid siilka sida ugu dhaqsaha badan kadib markey biyaha kugaaraan (shahwadile ku jiro ama ka maqan) si aad uga hortagtid shahwada si ay u aadin minka.
- Sida xaqiiqda tahay, naagta masameynkarto ineey kahor tagto shahwada taasoo sakan yar ku aadikarto minka. Hadaba baraatikadaan wax difaac ah malahan.
Way fiicantahay in la ogaado
- Qaabka ugu wanaagsan ee looga illaaliyo nafsadaada HIV ama caabuqyada kale ee galmada laga qaado waa ku dhaqmida galmo badbaado ah:
1. Marwalba isticmaal kondhom, ragga ama dumarka, oo galmada siilka (galmada siilka ama futada).
2. Wixii tallo dheeraad ah ee galmada shaqsiga, samey hubinta galmada badbaadada ah ee lovelife.ch
2018, SANTÉ SEXUELLE SUISSE, Fondation suisse pour la santé sexuelle et reproductive; ALECSS Association suisse latine des spécialistes en santé sexuelle, Éducation – Formation – Conseil; faseg, Fachverband sexuelle Gesundheit in Beratung und Bildung
Waxaa malgeliyey migesplus
www.migesplus.ch – Ogeysisyo ku sabsan xaga Cafimaadka oo Luqado kala duwan ku soo baxa
Warbixin kale oo ku saabsan Mowduuca
- Qaababka aan FALGALE aheyn ee ka hortaga uurka
- Waa kahortag sida tiimbaraha la isku dhajiyo
- Cinjir laga shado marwalba aad galmo sameyneysid
- Salbatiibada dumarka
- Kondhomka ragga
- Shahwadile
- Mareeguhu
- Shey yar oo lagashado maqaarka hoostiisa
- Isdurista 3 bilood laha
- Dariiqa caadiga ah ee la isaga ilaaliyo uurka daawo la'aan
- Qalitan laga xidhayo dhalista carurta nin iyo nag ba
- Ka hortaga uurka ragga
- Kaniiniga kahortaga uurka (kaniiniga yar)
- Kaniiniga (oestrogen iyo progestogen) oo joojin ah
- Uraysi iska ilaalinta gurmad degdega
- Faraantiga siilka la iska galiyo
- Kaniiniga kahortaga uurka ee markasta la qaato