Warbixinta caafimaadka wanaagsan ee ku saabsan caafimaadka galmada Uur Uurka, Dhalashada ilmaha iyo Naasnuujinta

Uurka, Dhalashada ilmaha iyo Naasnuujinta

Baadhitaanka uurka

Haddii xiliga dhiiga (dhiiga caadada) uu daaho, baadhitaanka uurku waxa uu muujin doonaa haddii ay uur ladahayd iyo in kale. Baadhitaanku waxa uu gaadaa hormoonada uurka ee ku jira kaadida. Baadhitaanka uurka waxaa la keeni karaa faramsiiga, dukaanka dawada, dukaanka subarmaarkadka iyo mishiinada wax iibiya. Waxaa sidoo kale la waydiisan karaa inuu fuliyo dhakhtarkaagu ama xarunta caafimaadka taranka iyo galmada.

Muddada Uurka

Muddada uurka, baadhitaano caadi ah oo uu sameeyo dhakhtarka cudurada haweenka ama ummuliso lugu taliyay.

Ummulisadu waxay awood u leedahay inay fuliso baadhitaanada dhalmada ka hor oo ay raacdo haweenayda dhammaan xiliga uurkeeda, ka caawiso ummulida, ay samayso baadhitaanada dhalmada ka dambeeya oo ka siiso talo ku saabsan naas nuujinta iyo daryeelka ilmaha dhashay. Ummulisooyinku waxay samayn karaan booqashooyinka guriga.

Dhakhtarkaaga cudurada haweenka ama xarunta caafimaadka galmada waxay bixin kartaa macluumaad ku saabsan labbadaba fasalada dhalmada ka hor (dhalashada ilmaha iyo fasalada rabaynta ilmaha) iyo daryeelka maalinta ee ilmahaaga (xarunta daryeelka). Gobalada qaarkood,cisbitaalada ama ururo ayaa waxay bixiyaan fasalada dhalmada ka hor oo luuqado kala duwan lagu baro looguna talo galay haweenka muhaajiriinta ah.

Taranka La iska caawinayo

Haddii haweenay aanay awood u lahayn inay si dabiici ah uur u yeelato, waa suuragal in la raadiyo caawimo caafimaad. Ka hor inta aanad bilaabin daawaynta, waa muhiim in lala hubiyo shirkadda caymiska inta ay tahay kharashka lagu daboolo hoosta caymiska caafimaadka aasaasiga ah iyo inta ay tahay (kharashaadka) uu bixinayo qofku ama lammaanahu.

Waxaa jira ururo kala duwan oo macluumaad bixiya ku saabsan taranka u gaarka ah lammaanaha galmadda aan xaaska ahayn.

Baadhitaanada dhalmadda ka hor (Dhalmadda ka dib)

Waxaa jira tiro baadhitaano ah oo la samayn karo muddada uurka oo awood u leh inay ogaadaan dhowr qaab oo aan caadi ahayn ama jirrooyin ilmaha aan dhalan uu qabo. Waalidka waxay leeyihiin xaga ay go’aan ku gaadhaan baadhitaanka nooca ay rabaan in la sameeyo. Dhakhaatiirta waxay u baahanyihiin inay bixiyaan mid cad oo macluumaad fudud ah in la fahmo oo ku saabsan baadhitaanadan ka hor fulinta baadhitaanka (tan waxaa ka mid ahaan kara sawirka ultrasoonka, muunadda dhiiga iyo baadhitaano kale). Caafimaadka galmada waxay bixiyaan taageerada iyo talada go’aan gaadhida siiba walaacyo kasta kuwaas oo dhici kara.

Dhalashada ilmaha

Ila ay jirto xaalad gaar ah oo aan dawo ahaan loo qaadan karin, waalidku waxay leeyihiin xaqa ay ku doortaan halka iyo hoosta duruufta uu ilmahoodu ku dhalanayo (mid uun cusbitaalka, guriga ama xarunta dhalmadda). Haweenayda ayaa go’aan ka gaadhi karta cidda raaci doonta mudaa ummulista (lamaanaha, saaxiib, ama xubin qoyska ah). Dhammaan xaalada ummulisadu waxay joogtaa dhalashada si ay u bixiso taageero iyo caawimo.

Dhammaan dhalashada waa ummulid farjiga ah oo dabiici ah, laakiin ka ummulinta qayb jeexid dhinaca ah waxa dhici karta in hore loo sii qorsheeyo ama, haddii ay lama huraan tahay, loo fuliyo si xaalad degdeg ah.

Haddii aad jeclaan lahayd ilmahaagu inuu ku dhasho degmo kale oo Swisska ah, waa muhiim in lala hubiyo shirkadda caymiska caafimaad waxa uu yahay kharashka ay bixin donaan.

Naas nuujinta

Labbadaba ummulisooyinka iyo la taliyayaasha naas nuujinta ayaa u jooga si ay uga jawaabaan walaacyada naasnuujinta iyo si ay kaaga caawiyaan haddii la naas nuujinayo ama aan la naas nuujinayn. Cusbitaalada qaarkood waxay leeyihiim lambarka xidhiidhka gurmadka ee naas nuujinta haweenka xaalad ay jiraan wax dhibaatooyin ah. Talo ayaa sidoo kale laga heli karaa adeegyada la talinta daryeelka carruurta iyo waalidka siiba kalkaalisada carruurnimada hore.

Walabhaarka dhalmadda ka dib

Daalka iyo hurdo la’aantu waxa keeni karaan walabahaarka dhalashada ilmaha ka dib. Haddii ay tan dhacdo, waa muhiim in la waydiiyo oo la raadiyo talo xirfadeed iyo taageero. Lammaanahaagu sidoo kale waxa uu bixin karaa calaamadaha daalka. Dhakhtarkaaga, adeegyada la talinta waalidka iyo daryeelka carruurta ama adeegyada caafimaadka galmada waxay sidoo kale bixin karaan caawimo iyo taageero.

2017, SANTÉ SEXUELLE SUISSE, Fondation suisse pour la santé sexuelle et reproductive; ALECSS Association suisse latine des spécialistes en santé sexuelle, Éducation – Formation – Conseil; faseg, Fachverband sexuelle Gesundheit in Beratung und Bildung

Warbixin kale oo ku saabsan Mowduuca

Mowduucyada kale

Dajiso warbixinteena

Haddii aad Suáal qabtid?

Dhaqaatiirta xarunta adeega caafimaadka galmada ayaa kaaga jawaabeyso su’aalahaaga si qarsoodi ah. Waxay halkaas u joogaan inay kaa caawiyaan helida qaabka ugu fiican ee loola macaamilo xaalkaaga.

Warbixin badan