Warbixinta caafimaadka wanaagsan ee ku saabsan caafimaadka galmada Uur Su’aalaha Uurka iyo Maamulka

Su’aalaha Uurka iyo Maamulka

Dhammaan waalidka mustaqbalka (ay ku jiraa lammaanaha isku sinjiga ah) waxay xaq u leeyihiin la talin sharci iyo maaliyadeed oo wax ku ool ah siiba macluumaadka ku saabsan xaaladooda bulsho (tusaale ahaan, su’aalaha ku saabsan: shaqada, qiritaarnka waalidnimo, masuuliyada waalidnimo; caymiska; dheefaha bulsheed; maaliyada, iwm). Caafimaadka galmada iyo adeegyada caafimaadka taranka waxay ka jawaabi doonaan su’aalaha aad qabto lacag la’aan iyo qaab qarsoodi ah.

Caymiska Caafimaadka

Marka haweenay ay uur leedahay, caymiskeedu waxa uu daboolaa dhammaan kharasha baadhida ee dhakhtarka ama ummulisada siiba kharashaadka dhalashada, iyo baadhitaanka ka dambeeya dhalashada (waxaa jira qaar ka reeban, tusaale ahaan fiitamiinada la qoray). Ka dib dhalashada ilmaha, caymiska caafimaadka sidoo kale waxa uu bixiyaa 10 booqasho guri oo ummuliska ku saabsan ilaa gudaha 56 maalmod oo dhalashada ah- haddii ay jiraan cuduro soo raaca tani way ka dheeraan kartaa haddii uu dhakhtarku codsado -- siiba 3 la tashiyada naas nuujinta ilaa inta haweenaydu naas nuujiso.

Fasaxa Dhalmada iyo Gunnada Dhalmadda

Sharciga Swissku waxa uu xaq u siinayaa haweenka fasaxa dhalmada ilaa 14 todobaad oo ka bilaabma wakhtiga ummulida. Waxay heshaa 80% mushaharkeedii caadiga ahaa. Si loo helo dheeftan lacageed, haweenku waxay u baahanyihiin inay bixiyeen caymiska AVS ee ugu yaraan 9 bilood ka hor inta aanay dhalin oo aanay shaqaysan mushaar ugu yaraan 5 bilood muddada wakhtigaas ah.

Dhalmada Degmeed ama Gunnada Dhalashada

Degmooyinka qaarkood, dheefo kaabbid ah ayaa la siiyaa waalidka u qalma. Waxaad tan waydiin kartaa xafiiska adeegyada bulshadda ee ku yaala degmadaada, xarunta caafimaad ee galmada ama xarunta dhalmada ka hor  (daryeelka hooyooyinka iyo daryeelka ilmaha).

Gunnada Qoyska

Dhammaan degmooyinka waxaa saaraan waajibaad inay siiyaan waalidka dheefaha lacageed ee ilmaha bilaha ah ugu yaraan 200CHF. Tan waxaa la siiyaa dhammaan waalidka iyadda oo aan loo eegin mushaarkooda iyo tirada saacadaha ay shaqeeyaan. Waxaa loo raaciyaa mushaharka iyaddoo soo maraysa loo shaqeeyaha kaas oo metela gacan yare.

2016, SANTÉ SEXUELLE SUISSE, Fondation suisse pour la santé sexuelle et reproductive; ALECSS Association suisse latine des spécialistes en santé sexuelle, Éducation – Formation – Conseil; faseg, Fachverband sexuelle Gesundheit in Beratung und Bildung

Warbixin kale oo ku saabsan Mowduuca

Mowduucyada kale

Dajiso warbixinteena

Haddii aad Suáal qabtid?

Dhaqaatiirta xarunta adeega caafimaadka galmada ayaa kaaga jawaabeyso su’aalahaaga si qarsoodi ah. Waxay halkaas u joogaan inay kaa caawiyaan helida qaabka ugu fiican ee loola macaamilo xaalkaaga.

Warbixin badan