Warbixinta caafimaadka wanaagsan ee ku saabsan caafimaadka galmada Siilka iyo guska Xubnaha taranka ee dumarka

Xubnaha taranka ee dumarka

Information: Diese Seite wird in Kürze überarbeitet.

Information: This page will be revised shortly.

Qeybta banaanka waxaa ladhahaa siil. Waxay kasamaysantahay labo bishimood oo waaween oo banaanka kuyaal iyo labo bishimood oo yaryar oo gudaha kuyaal kasoo ku xadeysan gudaha siilka iyo meesha ay kaadida kasoobaxdo kaadiheysta korkeeda waxaa kuyaalo kintirka kasoo doorweyn kacayaaro raaxada galmada ee dumarka.

Haddii qof dumar ah oo weyn ama gabadh yar oo la guday (gudniinka xubinta taranka), ayaa afka hore ee siilku u muuqan karaa si ka duwan sida kuwa kale. Wixii warbixin dheeri ah www.gudniinka.ch

  1. Dunta ay so marta ukunta nagta
  2. Meesha sameesa ukunta dumarka
  3. Makanka
  4. Kaadi heesta
  5. Laanta xaggeda sare
  6. tubada ay so marto kadida
  7. Kintirka meesha uu ka bararo
  8. Kintirka
  9. Faruraha laanta
  10. Siilka
  11. Makanka afkiisa
  12. Mindicirka 

Siilka

Waa meel jilicsan dhirirkiisana lagu qiyaasay 7 ilaa 1 0 cm. Wuxuu qaabilaa guska markuu isu tag dhacaayo. Siilka wax jiidmaayo oo loogu talagalay ilmaha markuu dhalanaayo inuu soomaro. Xitaa waa meesha ay caadada kasoo baxdo.Dareenka galmada siilka wuxuu ka keenaa biyo kasoo fududeeya falka markuu dhacaayo.

Bikrada

Markey naagtu tahay bikro siilka gudihiisa waxaa laga helaayaa xuub qafiif ah oo furan. Qaabka bikrada naagba naagta kale way kaduwantahay. Qaar way kamaqan tahay caadi ahaan. Badanaa bikrada waxay jabtaa marka ugu horeeyso ee galmo dhacdo.

Minka

Waa meesha uur ku ku sameeysmo. wuxuu ahaan karaa mid lala barbardhigay cambaruud hoos loogadiyay. Minka gudihiisa xuub ayuu leeyahay kasoo sameeysma markasta oo caadad timaado. Markey caadada kaa dhamaato xuubkaas wuu fuqaayaa,wuxuuna noqonaayaa caadadii laa kiin hadii uur yimaado xuubkaas wuxuu noqonayaa buul ay uur jiiftu ku jirto. Qeybta hoose ee sooraacdo siilka waxaa loo yaqaanaa minka afkiisa. Meel yar oo duleesho ayaa waxay u ogalaaneysaa inay marto shahwada ama caadada. Markey naagta dhaleyso, afka minka iyo siilka way furmaayaan si ay ilmahaas ay uhelaan boos aysoomaraan.

Ugxan sida yaasha

Ugxansidayaasha waxay lee yihiin qaab iyo weynin lagu tilmaamay nooc kamid ah miraha. Waxay leeyihiin labo kaalin:

  • Waxay sameeyaan hormoonka galmada ee dumarka kasoo hagaajiya caadada.
  • Wuxuu keenaa oo lagu qiyaasay bishii halmar ugxan diyaar ah inay bacrimiso.

Dhuumaha isku xira minka iyo ugxamaha

Waa labo tubo oo yar yar ah 1 0 ilaa 1 5 cm dhirirkeeda lagu qiyaasay. Waxay aadaan minka eena raacaan ugxan sida yaasha say u helaan ukun. Bacriminta, waxay la kulmee ukun iyo shahwo,gudaha markaas ukuntii
bacrintay waxay aadeysaa minka.

Wareega naagta xiliga dhiiga

Waa xili kasoo ah maalinta koowaad ee caadada ilaa xiliga kale ee malinta kowaad caadada ku xigo. Inta uu socdo waa wax badalmikara, guud ahaan 21 ilaa 35 maalmood. Qarniyaasha waxay bilaawdaan inta udhaxeyso 11 ilaa 1 5 sano waxayna joog sataa xiliga aay caadada guurto oo ah inta u dhaxeyso 45 ilaa 55 sano.

Xilikasta, minka wuxuu isku diyaariyaa uur cusub bacriminta waxay timaadaa 15 maalin kahor caadada kale inteey imaan. Isu taga udhow maalmahaas bacriminta waa maalmaha ugu fiican ee layeesho uurka.

Bacrimintaasi isku waqti matimaado, waxaa jira xaalad looyaqaano (xisaabta) laakiin ma ahan xaalad fiican oo looga hortagi karo uurka.

Inta caadada ku heyso…

...Naagta way qobeysankartaa,way dabaalankartaa, timaha way dhaqan kartaa. Way sameeyn kartaa isboortis sida dabaasha ayadoo gashaneeyso.

2017, SANTÉ SEXUELLE SUISSE, Fondation suisse pour la santé sexuelle et reproductive; ALECSS Association suisse latine des spécialistes en santé sexuelle, Éducation – Formation – Conseil; faseg, Fachverband sexuelle Gesundheit in Beratung und Bildung

Waxaa malgeliyey migesplus
www.migesplus.ch – Ogeysisyo ku sabsan xaga Cafimaadka oo Luqado kala duwan ku soo baxa

 

Warbixin kale oo ku saabsan Mowduuca

Mowduucyada kale

Dajiso warbixinteena

Haddii aad Suáal qabtid?

Dhaqaatiirta xarunta adeega caafimaadka galmada ayaa kaaga jawaabeyso su’aalahaaga si qarsoodi ah. Waxay halkaas u joogaan inay kaa caawiyaan helida qaabka ugu fiican ee loola macaamilo xaalkaaga.

Warbixin badan